Ciidamada Itoobiya oo sanad kadib isaga baxay degmada Xudur ee Gobolka Bakool

42

Ciidamada Itoobiya ayaa isaga baxay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, sanad kadib markii ay ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab oo muddo saddex sano ka talinayay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay tan iyo xalay ka wadeen magaalada dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay uga guurayeen.

Xiriiro dadka deegaanka la sameynay ayaa naloo xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya oo wehlinayay ciidamo Soomaali ay isaga baxeen Xudur.

Isgaarsiinta degmada ayaa ah mid caadi ah, waxaana lagu soo waramayaa in magaalada barakac uu ka jiro, maadaama dadka deegaanka ka cabsi qabaan in dhibaato ka dhacdo degmada.

Lama oga sababaha keenay in Ciidamada Itoobiya isaga baxaan degmada Xudur, hase ahaatee hadal todobaadkii hore uu sii daayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ahaa in Ciidamadiisa si tartiib tartiib ugala bixi doono qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Dhinaca kale war goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Xoogaga Al-Shabaab oo markii hore duleedka degmada Xudur ku sugnaa ay gudaha u soo galeen degmada, markii ay ka war heleen in Ciidamada Itoobiya isaga baxeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.