Mid ka mid ah Ciidamada ilaalada Wadooyinka ee Taraafiko oo saaka Muqdisho lagu dilay

37

Askarigii u horeeyay oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee loo yaqaano Taraafiko ayaa saaka lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib markii Kooxo hubeysan ay ku toogteen Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee Taraafiko Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in Kormeere 3aad Xasan Maxamed Warsame ay labo dhalinyaro bastoolado ku hubeysan ku dileen Xaafada Towqiif.

“Kormeere 3aad xasan Maxamed Warsame oo ka mid ahaa Taraafikadii hore ee dowladdii maxamed Siyaad Barre oo ka mid ahaa dadka mootooyinka ku shaqeeya saakay ayaa lagu dilay Xaafada Towfiiq, labo dhalinyaro ayaa toogtay nala yiri”ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Jen. Cali Gaab ayaa sidoo kale sheegay inuu askarigan ahaa ninkii u horeeyay ee laga dilo Ciidamada taraafikada, isagoo ka tacsiyadeeyay dilkan marxuumkan loo geystay.

Ciidamada Ilaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa indhawaalaba dib uga howl galayay wadooyinka qaar ee magaalada, iyadoo kala hagayay gaadiidka, waxaana sharciga wadooyinka ay aheyd mid dib u soo laabaneysay, markii ay si rasmi u howl bilaabeen Taraafikada.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ilaa 10-neeyo ruux oo dilal qorsheysan lagu fuliyo, iyadoo dilalka qaar lagu eedeeyay Ciidamada dowladda, markii wadooyinka lagu arkay meydad dad horay ciidamada nabadsugida howl galo ku soo qabteen, inkastoo Taliska Nabadsugida ay beeniyeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.