Shacabka dalka Zimbabwe oo u dareeray goobaha codbixinta si ay u soo doortaan dastuur cusub

25

Dalka Zimbabwe ayaa maanta waxa ay u dareereen goobaha codbixinta iyagoo cod u qaadaya dastuurka cusub ee dalkaasi.

Dastuurka cusub ayaa ah mid ay si weyn ugu ololenayaan xisbiyada waaweyn ee dalkaasi maadaama uu xakameenayo wakhtiga uu Madaxweynaha xilka heyn karo, taasi oo soo koobi doonta wakhtiga uu xilka haynayo Madaxweynaha dalkaasi mudada dheer kasoo talinayey Robert Mugabe.

Dastuurka cusub ayaa sidoo kale wax badan ka bedalaya dhanka doorashada iyo awoodaha hay’adaha dowliga ah, wuxuuna irida u furi karaa dastuurka in dhamaadka sanadkan ay doorashada guud dalkaasi ka dhacdo.

Dalka Zimbabwe ayey ka diiwaangashan yihin 6 milyan oo qof oo codkooda dhiiban kara, kuwaasi oo saaka oo Sabti ah u dareeray goobaha codbixinta. Waxaa lagu wadaa natiijada aftida in lagu dhawaaqo muddo shan maalmood gudahood ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.