Wasiir kuxigeen ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Berbera

59

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa muddo sacaado ay Ciidamada Somaliland ku xanibeen garoonka diyaaradaha magaalada Berbera, halkaasoo diyaaradii uu saarnaa Wasiirku ay Transit ku aheyd.

Sida ay sheegayaan wararka Wasiir kuxigeenka ayaa markii diyaarada ka soo degay ciidamada ku sugan garoonka ay hakad geliyeen, iyadoo markii dambe wada hadalo kadib ay sii daayeen, isla markaana diyaaradii uu la socday uu dib u soo raacay.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta C/shakuur Cali Mire ayaa ka yimid dalka Ingiriiska, isagoo ka mid ahaa rakaab saarnaa diyaarad u soo socotay magaalada Muqdisho oo Taransit ku aheyd magaalada Berbera.

Somaliland ayaa waxaa ka mamnuuc ah dadka xilalka ka haya dowladda Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiinta deegaanadeeda ka soo jeeda ee ku jira dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay amar ah in aysan imaan karin deegaanadeeda.

Dhowaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ay Taransit ku noqotay garoonka diyaaradaha Berbera, iyadoo qolka nasashada ee garoonkana ay kula kulantay siyaasiyiin reer Somaliland ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.