Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano 30 kilo mitir u jirra Baydhabo

31

Ciidamada Dowladda Somalia ayaa si buuxda Maalinimadii shalay ula wareegay  gacan ku haynta deegaanka Awdiinle, oo ay kula wareegen Dagaal fool ka fool ah oo ay la galeen Alshabaab.

Ciidamadda ayaa awoodooda ku baahiyay Deegaanka Awdiinle oo 30 kilo mitir galbeed ka jirta Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoona iminka halkaasi kusii qulqulayan Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia.

Saraakiisha Ciidamadda ayaa sheegay in Ciidamadda Dowladda ay si rasmi ah ula wareegen Deegaanka Awdiinle, iyagoona sheegay in Kooxda Alshabaab ay isaga baxeen guud ahaan Deegaanada ku dhaw-dhaw deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Yuunis Aadan Xasan oo ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa warbaahinta u sheegay inay Dagaal fool ka fool ah la galeen Ciidamadad Alshabaab ee ku sugnaa deegaanka Awdiinle waxa uuna sheegay inay dagaalkaasi ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa Alshabaab.

Yuunis Aadan Xasan waxa uu sheegay inay sii wadi-doonaan howlgallada ay kula wareegayaan deegaannada kale ee ay al-Shabaab kaga sugan tahay gobolka Baay, waxa uuna xusay in Xiligaani Ciidamadda Dowladda ay fariisimo ka samaysteen goobaha muhiimka ah ee Awdiinle oo ay dhowr jeer oo hore ay kula dagaallameen Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.