Muqdisho oo siyaabo kala duwan loogu dilay Saddax ruux

24

Kooxo hubeysan ayaa waxaa ay Habeennimadii xalay Saddex qof siyaabo kala duwan ugu dilay  Xaafadaha Suuqa-xoolaha iyo Kaasa-balbalaare ee magaalada Muqdisho.

Meydka Laba qof oo dhallinyaro ah ayaa waxaa lagu arkay Xaafadda Suuqa-xoolaha, halka qof kalena lagu dilay Xaafadda Kaasa-balbalaare ee degmada Hodon ee Magaaladda Muqdisho.

Mid ka mid ah dhallinyaradaasi ayaa waxaa lagu soo waramaaya inay toogteen Ciidamada dowladda Somalia, kadib markii la sheegay inuu diiday in baaritaan lagu sameeyo Bac madoow uu ku sitay adeeg.

Dhanka kale waxaa saakay isla Xaafadda Suuqa xoolaha lagu arkay Wiil dhalinyaro ah oo si xun loogu dhuftay Rasaas, iyada oo aan la garaneynin sababtii ka dambeysay Dilka Wiilkaasi dhalinyarada ah, waxaana sidoo kale Xaafadda Kaasa-balbalaare lagu arkaayay Meydka wiil dhalinyaro ah oo la sheegay inay Ciidamada Dowladda Somalia ku toogteen xaafadda Kaasa-balbalaare oo la sheegay inuu bam ku tuuray ciidamada, xilli ay ay ku sugnaayeen isgoyska xaafadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkaani Magaaladda Muqdisho ku soo badanaayay Dilalka loo geysanaayo dadka Rayidka ah iyadoona inta badan aan la garaneynin dadkii ka dambeeya dilalkaasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.