Wasiiru dowladaha Arrimaha gudaha oo dhiira-geliyay Diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarka uga socda Koofur Afrika

27

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi Maxamuud Cali ayaa caawa ku booqday 21 diblomaasi oo Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ka tirsan hotel-ka Protea Hatfield ee caasimadda South Africa ee Pretoria, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Madaxa kooxda diblomaasiyiinta Cawaale Calli Kullane iyo kuxigeenkiisa Cabduqaadir Suufi Maxamed (Muriidi Golf) waxaana uu wasiirku ku booriyay inay ka faa’ideystaan tababarka diblomaasiyadeed ee uga soconaya dugsia caalamiga ee Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Xiriirka caalamiga iyo iskaashiga ee dowladda South Africa.

Wasiiru dowlaha oo booqashadiisa diblomaasiyiinta Soomaalida uu ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee wadanka South Africa Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa waxa uu bogaadiyay howlaha kala duwan ee Safaaradda ay u qabato bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka South Africa iyo dadaalada wax ku oolka ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ku dooneyso tayeynta diblomaasiyiinta iyo dardar gelinta xiriirka dibadda.

Mar uu wasiiru dowlaha ka hadlayay arrimaha amniga iyo sarifka lacagaha qalaad , ayaa waxa uu yiri “ dowladdu waxa ay heysaa xogta dhabta ah ee dadka ku lugta leh inay ku cayaaraan sarifka suuqa iyo sicirka badeecadaha kala duwan , waxaa naga go’aan ah inaan dhowaan ku faafino wadanka lacago cusub oo shilin Soomaali ,iyadoo la horumarinayo shaqada bankiga dhexe ee la socodka isbadalada suuqa , waxaana taa barbar socon doona ciidamo cusub oo guur guura oo heegan ah oo ka wada howlgali doona xaafadaha kala duwan ee caasimadda Muqdisho, si ay u xakameeyaan hubka sharci darada ah iyo weerarada cabsi gelinta ah”.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda FS Mahdi Maxamuud Cali oo South Africa uga qeybgalay kulan ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah wadamada Africa ee u gudbaya hanaanka dimoqraadiyadda iyo doorashada xorta ah ayaa waxa uu amaanay Saraakiisha Taliska Xoogga dalka Soomaaliya ee uu saameeyay go’aanka xil ka qaasita , isagoo cadeeyay in dowladdu ay ilaalin doonto , ayna daryeeli doonto saraakiishaasi iyo kuwa kale ee u taagan difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.