Taliska Booliska oo ka warbixiyay howl galo dad lagu qab qabtay oo xalay laga sameeyay Xaafadaha Muqdisho

48

Taliska booliska Gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howl galo dad lagu qabtay oo xalay ciidamada ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo habeenadii la soo dhaafay dilal ka dhaceen.

Jen. Axmed Xasan Maalin Taliyaha ciidamada booliska gobolka banaadir ayaa sheegay in howl galadii xalay ay ku soo qab qabteen kooxo ammaanka qal qal ku hayay.

“Xalay ciidamada waxay howl galo ka sameeyeen xaafado kale, waxaa soo qabanay kooxo amaanka qal qal gelinayay, wiil dhalinyaro oo bambo watay iyo ilaa afar bastoolo ayaa ku soo qabanay, sidoo kale ciidamada meelo kala duwan ka howl galeen”ayuu yiri Jen. Maalin.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada booliska xalay roondeyn ka sameeyeen qaar ka mid xaafadaha, waxaana uu tibaaxay in howl galadaas ujeedkooda ahaayeen in lagu xaqiijiyo ammaanka.

Inkastoo Taliyuhu tilmaamay in wax badan ammaanka Muqdisho wax ka qabteen, hadana labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa xaafadaha qaar lagu arkayay meydadka dad la soo dilay, oo qaarkood ahaa dad u xirnaa ciidamada.

Al-Shabaab ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda inay ka dambeeyaan dilalka dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana dilalkooda ku tilmaameen kuwo aan horay uga dhicin dalka, inta dad la dilay meydadkooda la soo dhigo guryahooda hortooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.