Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

35

Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa soo dhoweeyay tallaabada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Soomaaliya uga qaaday cunaqabateynta hubka, oo muddo 20-sano ay saarneyd.

Bayaan ka soo baxay Culimada ayaa lagu sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya ay tahay mid horseedi doonta dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo ciidamada inay awood u yeeshaan la dagaalanka ajaaniibta ku soo duushay soomaaliya.

Waxaa bayaanka lagu taageeray dadaalada dowladda wado ee ku aadan xiriirka arrimaha dibada, iyo guulaha siyaasadeed ee laga gaaray xiriirka caalamiga, taasoo Goluhu ku tilmaameen mid Soomaaliya maqaamkeedii hore dib ugu celineysa.

Sidoo kale Culimada ayaa soo dhoweeyay shirka London ka dhacaya 7-da May, ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaana ay ka dhawaajiyeen in shirkaas uu bilow u yahay mustaqbalka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliyed.

Ugu dambeyn Culumaa’udiinka ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sii xoojiso xiriirka arrimaha dibada iyo sidii dalka oo dhan ugu soo dabaali laheyd nabadgelyo iyo xasilooni.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.