Golaha Ammaanka iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay Hawlaha Nabad ilaalinta Somalia

37

Kulankii ugu horeeyay Taariikh ahaan ayaa waxa uu xalay dhex maray Danjirayaasha xubnaha Golaha Ammaanka ee QM iyo Guddiga Ammaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub (EUPSC).

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta dhexe QM ee Magaaladda New York ayaa waxaa marti galiyay Madaxa golaha Ammaanka QM ee xilligan, ahna Danjiraha Dowladda Russia u fadhiya QM.

Labada dhinac waxay kulankooda kaga xaajoodeen iskaashiga UN iyo EU iyo Xaaladda Somalia iyo Hawlgalada Nabad ilaalinta Caalamka.

Labada dhinac waxa ay soo dhaweeyeen isbedelka Somalia, Qaadista Xayiraada Hubka iyo Xaaladda Ammaanka Somalia ee soo hagaageyso.

Wafdiga ka socday Guddiga Ammaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub (EUPSC), waxay kaloo la kulmeen Xoghayaha Guud QM, Ban ki-moon, Ku-xigeenkiisa, Jan Eliasson iyo Gacan yarayaashiisa oo ay ka wada hadleen Xaaladdaha Caalamka iyo iskaashiga labada dhinac ee xallinta Xiisadaha Caalamka.

Guddiga Ammaanka iyo Siyaasadda ee Midowga Yurub (EUPSC) waxay xaruntiisa ku taalla Magaaladda Brussels, waxa ayna u qaabilsan yihiin kormeerista Xiisadaha Caalamka, Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda lagu maareynayo Hawlgalada Caalamka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.