Kulankii golaha wasiirrada ee maanta oo warbixino looga dhageystay R/wasaaraha

23

Shirkan Golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen waxaa shir guddoominayey R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qaatay muddo saacado badan ayaa looga hadlay arrimo ay ugu horreeyeen safarradii Ra’iisul wasaaraha uu ku tagay gobollada Puntlanad iyo Galmudug iyo qodobbo kale.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiroon “Saacid” ayaa warbaahinta faah faahin dheer ka siiyey waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee shirkooda, waxa uu aad ugu mahadceliyey madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug, isgaoo hoosta ka xariiqay in ay isla garteen dhammaan waxyaabihii laga wada hadlay, haddana uu wada hadal weli u socda Xukuumadda iyo maamulka Galmudug.

R/wasaare Saacid oo faah faahintiisa shirka golaha wasiirrada sii wata ayaa daboolka ka qaaday in guddi loo saaray dhacdo Lix ruux Meydadkooda siyaabo kala duwan looga arkay, kuwaas oo horey ugu xernaa xabsiyada magaalada Muqdisho ku yaalla, guddina ay u saareen arrintaasi si baaritaanno loogu sameeyo.

Shirka arrimihii looga hadlay ee uu Ra’iisul wasaaraha ka hadlay waxaa ka mid ahaa in uu sii adkeeyey gacan ka geysashada Kiisaska la xiriirra dilalka wariyeyaasha loo geysto oo uu tilmaamay in sannadkan ay hoos u dhaceen, hasa yeeshee Xukuumaddiisa ay weli  taagan tahay ballan-qaadkii la xiriirray bixinta lacag abaal marin ah oo la siinayo ciddii soo gudbisaa Kiis falkaasi ku saabsan, waxaana maalinta Tallaada ah uu iclaamiye Ra’iisul wasaraha shir aan caadi aheyn oo ay golaha isugu imaanayaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.