Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir oo xalay lagu dilay degmada Dharkeenley

36

Kooxo Hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkeenley Taliyihii Ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir, iyadoo Taliska Badda Soomaaliyed uu ka hadlay dilka Taliyaha.

Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyed Admiral Faarax Qarre ayaa sheegay in Taliyaha ay dileen kooxo hubeysan, isagoo tilmaamay inuu ahaa Taliyihii Gobolka Banaadir ee Saldhiga Hobyo ilaa Baraawe.

“Kooxo habaar qabayaal ayaa dilay marxuumka isagoo gurigiisa ku weysa qaadanayay, waana laga daba tagi doonaan maalin aan dheereyn”ayuu yiri Admiral Faarax Qarre.

Mar la weydiiyay Admiral Faarax Qarre in Sarkaal heysta Mas’uuliyadaas in ammaankiisa laga fikiri waayay ama uusan aheyn wax ilaali ah ayaa sheegay inuu heystay Ciidan, hase ahaatee tiisa ay dhamaatay.

Dilkan Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliyed ayaa noqonaya kii u horeeyay, iyadoo uu ku soo beegmayo, xilli dhowaan Ciidanka badda u dabaal degay sanad-guurada markii la aas aasay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.