Weerar bambaano oo xalay lagu qaaday hoyga Gudoomiyaha degmada Waabari

52

Afar ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay kadib weerar bambaano oo xalay lagu qaaday Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal), iyadoo la soo qabtay mid ka mid ah kooxihii bamka ku weeraray.

Gudoomiyaha degmada Waabari Axmed Faal ayaa sheegay in bamka lagu soo tuuray hoygiisa iyo guri u dhowaa inta u dhaxeysa, isla markaana ay ku dhaawacmeen afar ruux oo mid ka mid ay aheyd haweeney da’a ah.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay inay mid ka mid ah ragii bamka soo tuuray ay gacanta ku dhigeen, kadib markii ay ceyrsadeen ciidamada ammaanka.

“Ninkii bamka tuuray ayaan soo qabanay, mid kalena waa baxsaday, waxaa dhaawacmay afar ruux islaan waayeel ku jirtay”ayuu yiri Axmed Faal.

Ciidamada booliska ee degmada Waabari ayaa saaka howl galo ka waday xaafadaha qaar ee degmada, iyagoo ku raad jooga dad ay sheegeen inay ku lug lahaayeen weerarkii xalay.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo weerar bam, iyadoo todobaadkan gudihiisa lagu dilay ilaa 10-ruux oo meydadkooda la soo dhigay wadooyinka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.