Taliyihii Ciidamada xooga dalka iyo Abaanduulihii Ciidamada oo maanta xilalkooda wareejiyay

54

Saraakiishii ugu sareysa ciidamada xooga dalka ayaa maanta si rasmi ah waxay xilalkooda ugu wareejiyeen Saraakiisha cusub ee loo magacaabay, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay si weyn isa soo tareysay is bedelka lagu sameynayo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida.

Munaasabad ka dhacday Xaruntii Wasaarada Gaashaandhiga ayaa waxaa xilalka ku kala wareegay Taliyihii Ciidamada xooga dalka Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo xilka ku wareejiyay Jen, Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho), halka Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-badan uu isna xilkiisa ku wareejiyay Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha ciidamada qalabka sida, iyadoo aheyd Khudbado ay ka jeediyeen Saraakiisha cusub ee loo magacaabay xilka hogaanka ciidamada xooga dalka.

Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Jen. C/kariin Dhega-badan ayaa muddo saddex sano ka badan hayay xilalkan, iyadoo la xusuusta sida ay uga qeyb qaateen howlaha dib u dhiska ciidamada qalabka sida sida.

Sidoo kale Saraakiishan waxay door weyn ka qaateen howl galkii Al-Shabaab looga saaray inta badan gobolada dalka, waxaana xilligii loo magacaabayay xilalkan ka bilaabeen, iyadoo Al-Shabaab maamulayeen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa goor dhow la filayaa in Saraakiishan xilalka wareejiyay munaasabad sagootin loogu sameeyo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaasoo ay ka qeyb geli doonaan madaxda ugu sareysa dalka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.