Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo hawl galo ka sameeyay Shabeellaha Hoose, maxayse ka tiri Dowladda?

37

Ciidamada Dowladda iyo Amisom ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen 15 nin oo burcad ah, kuwaa oo wadada ku baaran jiray dadka Safarada ah.

Dadka safarada ah oo qaylo dhaan muddooyinkii ughu dambeysay u jeedinaayay Maamulka Dowladda Somaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lagu guuleystay in wax laga qabto.

Ciidamada Dowladda iyo Amism ayaa waxay dileen mid ka mid ah burcada, iyadoo qaarkoodna ay baxsadeen, halka ilaa 15 kalana ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Dowladda.

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxay sheegeen in lagu guuleystay in la soo gaba gabeeyo, burcadii dadka ku dhibaateyn jirtay wadada u dhaxeysa Afgooye iyo Leego.

Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee Dowladda Abu Bakar Cabdala Isaaq (Al Cadaal), ayaa wuxuu Warbaahinta uu u sheegay in burcadii dadka dhibi jirtay laga nasan doono, sida uu yiri.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.