Ciidamo ka tirsan dowladda oo isaga soo baxay deegaano ka tirsan Gobolka Baay

41

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaano ka tirsan Gobolka Bay ay isaga soo baxeen, kadib markii ay ka gadoodeen mushaar la’aan.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamadan oo aad u fara badan ayaa xalay ilaa shalay ku soo qul qulayay magaalada Baydhabo, iyagoo isaga soo baxay deegaanka Goof Gaduud, Qansaxdheere iyo Bardaale.

Ciidamadan ayaa ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday muddo dheer, isla markaana aanay helin wax xuquuq ah.

Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Biikole ayaa sheegay in ciidamada dib loogu celinayo aagagii ay soo faarujiyeen, isla markaana ay rajo ka qabaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ay ku amran yihiin in ciidamada dib loogu celiyo goobihii ay ka soo baxeen, hadii ay diidaan la toogan doono.

Mudooyinkii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bay waxay ka cabanayeen mushaar la’aan muddo dhowr bilood ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.