Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay oo booqatay xarunta Unicef ee degmada Jowhar(Sawiro)

31

Saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay booqatay xaruntii hay’ada Unicef ay ku lahayd magaalada Jowhar.

Booqashada saraakiishan ayaa qeyb ka ahayd booqasho qaadatay 24 saac oo ay saraakiil ka socotay qaramada midoobay ku tagtay magaalada Jowhar.

Madaxa hay’ada UNOCHA ee dalka Soomaaliya Justen Brady ayaa ku tilmaamay booqashadan inay ahayd mid ay qiimeyn ku samaynayeen xaalada ammaan iyo tan nololeed ee ka jirta xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar.

Justen Brady iyo wafdiga uu horkacayay ayaa soo booqday xaruntii hore ee hay’ada Unicef ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo xarun u ahayd xilliyadii la soo dhaafay ciidamada ururka Alshabaab.

DSC00536

Xaruntan oo dhul ballaaran ku fadhida isla markaana burbur xoog leh soo gaaray ayaa booqashada kadib waxa uu madaxa hay’ada UNOCHA Justen Brady u sheegay Radio Jowhar in dayactirka lagu sameeyo xaruntan ay u baahan tahay qarash badan isla markaana uu rajeynayo in Unicef ay ka howgali doonto.

Wafdigan ayaa waxa ay soo booqdeen wabiga Shabelle gaar ahaan halka loo yaqaan xiintoyda oo bacaad badan uu buuxiyay, waxaana maamulka degmada Jowhar uu ka codsaday hay’adaha qaramada midoobay inay gacan ka geystaan sidii bacaadkaasi buuxiyay agagaarka buundada Jowhar loogaga qaadi lahaa si looga taxadaro fatahaada uu sameeyo wabiga.

Sidoo kale xubnaha wafdigan ayaa waxaa ay soo booqdeen tuulada Jowhar Somaali halkaa oo ay kula hadleen shacabka iyo dadweynaha tuulada  Jowhar Soomaali.

Wafdigan oo socod dhulka ah ku tegey degmada Jowhar ayaa waxa ay ku soo laabteen magaalada Muqdisho.

DSC00565

DSC00568

DSC00572

DSC03191

DSC00573

DSC00563

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.