Ilaa 50-ruux oo u geeriyooday Alcohol ay ku sumoobeen dalka Libiya

35

Ugu yaraan 51-ruux ayaa u geeriyooday markii ay cabeen qamriga Alcohol magaalada Tripoli ee dalka Libiya, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Ilaa 378 ruux ayaa la dhigay Isbitaalka ilaa sabtidii, iyadoo wasaarada caafimaadka Libiya ay xaalad deg deg ah ku soo rogtay goobaha mashaqadan ka dhaceen.

Isbitaalada la dhigay dadkan ku sumoobay qamriga Alcohol ayaa la sheegay in xaaladooda caafimaad lala taacalayo.

Qamriga Alcohol ayaa si sharci daro oo suuq madow lagu iibiyaa gudaha dalka Libiya, waxaana horay dowladda ka soo saartay digniin iyo mamnuucid.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.