Afhayeenka baarlamanka oo ka qeyb galay munaasabad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay arday dhameystay waxbarashada mastar-ka

26

Munaasabadani oo ay ku qalinjebinayeen ilaa sagaal arday oo dhameysatay heerka labaad jaamacadda ee master Digriiga ayaa maanta lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Xaflada qalin jabinta aheyd waxaa ka soo qeyb galey guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya kuxigeenkiisa, wasiirro, xildhibaanno iyo aqoonyahano kala duwan kuwaasi oo dhamaantood ka hadlay muhiimada ay u leedahay waxbarsahada heerka labaad ee jaamacadda.

Ugu horeyntii waxaa goobta ka hadley guddoomiyaha jaamacada Hope University Najiib Sheekh C/kariim isagoo sheegay in marxalado kala duwan ay soo mareen ardayda maanta shahaadooyinka la guddoonsiiyay.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaare” oo isna goobta hadallo kajeediyey ayaa talaabo horumarleh kutilmaamey qalinjebinta ardayda maanta munasabada loo qabtey.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u balan qaadey in shaqo abuuris loo sameyndoono dhalinyarada Soomaliyeeed ee soo dhameysta waxbarashada jaamacadaha.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.