Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo maamulka Soomaaliland ugu baaqay in ay xabsiyada ka daayaan dhalinyaro u xiran

35

Ka dib shir jaraa’id oo ay maanta magaaladda Muqdisho ku qabteen odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa waxa ay kaga hadleen dhalinyaro ay sheegeen in ay u xiriranyihiin maamulka la magac baxay Soomaaliland.

Guddoomiyaha Odayaasha Maxamed Xasan Xaad oo saxdaafadda la hadlay ayaa ka codsaday maamulka Soomaaliland in si shuruud la’aan ah ay dib xuryadooda u siiso dhalinyaradaasi oo muddo ka badan 10 sano u xiran maamulkaasi.

Xaad ayaa sidoo kale ugu mahadceliyay maamulka Soomaaliland sida ay uga qeyb qaateen gar gaarkii loo fidiyay shacabka Soomaaliyeed abaartii ku dhuftay koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.