Is bedelka lagu sameynayo hogaanada ciidamada qalabka sida oo maalmaha soo socda la shaacinayo

55

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen hadal heynta ku aadan is bedelka lagu sameynayo hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo, iyadoo Madaxda ugu sareysa dowladda ay arrintan kulamo ka lahaayeen saacadihii u dambeeyay.Sida ay sheegayaan wararka qorshaha is bedelka hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa heer gabo gabo maraya, iyadoo uu durba noqday guux si weyn u hareeyay qeybaha kala duwan ee  Talisyada ciidamada. Maalinimadii Jimcihii oo saadaasha aheyd in lagu dhawaaqo is bedelkan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacday, iyadoo ay qabyo ahaayeen kulamadii arrimaha loogu gogol xaarayay, kaasoo ku aadan in Taliyeyaasha seefta qaadi doonta inay aqbalaan marka ugu horeysa, talaabada koowaadna ay xilalkooda ku wareejiyaan Taliyeyaasha lagu bedelay. Inkastoo uu soo jiitamayay is bedelkan tan iyo markii Xukuumada cusub la soo dhisay, hadana Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka go’an in is bedelkan si guud u saameeyo laamaha amniga ee dowladda, waxaana uu la mid noqonaya is bedelkan mid horay sidan oo kale u sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2011, xilligaasoo dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida uu xilalka ka xayuubiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Ciidamada xooga dalka loo magacaabi doono Jen. Dahir Aadan Cilmi oo loo yaqaano Indho-Qarsho, kaasoo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada ee lagu soo tababaray dalka Ruushka. Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo in muddo ah la hadal hayay in xilka laga qaadi doono ayaa aqbalay, maadaama xilkiisa saameeyay habka awood qeybsiga dowladda Soomaaliya, ayna isku heyb yihiin Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. Dhegabadan ayaa la saadaalinaya saraakiisha ay seefta qaadi doonto, maadaama Taliyaha cusub uu dalbaday in xilkaas loo magacaabo shaqsi kale oo ay si dhow horay isula soo shaqeeyeen. Is bedelkan waxaa uu horay u saameeyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, kuwaasoo horay loogu wargeliyay in xilka laga qaadi doono, balse intaan ay soo jiitameysa. Waxaana lagu wadaa in is bedelkan uu noqdo mid guud ah oo isku mar wada saameeya Taliyayaasha ciidamada qalabka sida.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.