Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukunno ridday

52

Maxkamadda darajada koowaad ee gobalka Banaadir aya maanta waxa ay u fadhiisatay dacwada 13 eedeysane oo lookala heystay dambiyo isugu jiro dil, kufsi iyo isku day dal, waxaana Todobo ka mid ah eedeysaneyaasha loo heystay fal kufsi ah laba kamid ahna dil bareer ah halka labo kale loo haystay in ay isku dayeen in ay dil geystaan.

markii ay dacwada iyo dooda dhamaatay oo ay maxkamadu u fariisatay xukunkana waxaa dambigi lagu soo eedeyay lagu waayay labo kamid ah 13-kii eedeysane  iyadoo maxkamadu 11-kii kalane kuriday xukunno isugu jiro dil iyo ciqaaab sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkadamada gobolka Banaadir Xaanshi cilmi Nuur.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa bilihii la soo dhaafay xukunno kala duwan ku riday ku dhowaad 200 oo qof kuwaas oo lagu helay dambiyo kala duwan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.