Mudaneyaasha baarlamanka oo ka dooday dib u eegista dastuurka dalka

48

Kadib shir ay maanta isugu yimaadeen mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho uuna shir gudoominayay gudoomiyaha baarlmaanka fedaralka Mudane Maxamed   Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayna ka qeyb galeen xubno ka socday gudiga madax banaan ee Qaranka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xil gudashada.

Qudbada uu u jeediyay gudoomiyaha mudaneyaasha baarlamaanka oo aad u dheereyd ayaa u dhigneyd qodob qodob oo kala ahaa Barnaamijka xil gudashada baarlamaanka, Sharciyada iyo hay’adaha, xil gudashada guddiyada golaha iyo dib u eegista dastuurka iyo hirgelintiisa.

Mar uu ka hadlayay afhayeenka Baarlamaanka federalka Soomaaliya  arrimaha xil gudashada ee hor yaala baarlamaanka waxa uu tilmaamay in ay ka mid tahay dhayida utumihii kala gaaray bulshada.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay dib u eegista dastuurka waxaa uu xusay in dib u eegista dastuurka iyo dhameystiisa uu yahay xil gudasho marnaba iyo sinaba aana dib loogu dhigi karin uuna yahay xil qaran uu shacabku ku leeyahay.

mudaneyaasha baaralamaanka federaaalka Soomaaliy oo ka kooban 275 xildhibaan waxaa soo xulay odayaasha dhaqanka dalka, waxaana howlaha hor yaalla 4-ta sano ee socota ugu wayn dib u eegista Dastuurka oo ay u diyaarin doonaan afti qaran, ayagoo wax ka bedeli kara kuna kordhin kara ka hor inta ayan shacabku u codeynin.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.