Uhuru Kenyatta Waa Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya

38

Natiijada rasmiga ah ee doorashada Madaxtinimada Kenya ayaa goor dhow lagu dhawaaqay, iyadoo Gudiga doorashada uu iclaamiyay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalka.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Bomas ayaa Gudoomiyaha gudiga doorashada Issack Hassan uu ku dhawaaqay in Mr Uhuru uu helay 50.03 boqolkiiba codadka. Looma baahnaan doono wareeg labaad ee doorasho.

Mr Issack Hassan ayaa bogaadiyay qaabka ay u dhacday doorashada oo xasilooni aheyd, waxaana sidoo kale uu ammaan u jeediyay Saxaafada gudaha ee Kenya doorka ay ka qaateen doorashada intii ay socotay.

Uhuru Kenyatta ayaa helay cododkii la tiriyay oo ah 6,173,433, halka Raila Odingana uu helay 5,340,546 oo cod, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha gudiga doorashada.

Goor dhow ayaa Mr Uhuru Kenyatta la keenay Xarunta Bomas ee looga dhawaaqay natiijada doorashada halkaasoo la filayo in khudbad ka jeediyo.

130307191721_kenya_election_304x171_afp_nocredit

Taageerayaasha Mr Uhuru ayaa isagoo soo baxay wadooyinka, markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, inkastoo taageerayaasha Raila Odinga ay sheegeen in doorashada ay aheyd mid lagu takfri falay.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Madaxweynaha cusub ee ku guuleystay doorashada madaxtinimada Kenya Uhuru Kenyatta lagu keenay gawaari mad madow, oo ay dhinacyadiisa socdeen Ilaalo gaar ah.

Uhuru Kenyattta, ayaa waxaa sugaaya dacwad Maxkamada Caalamiga ee Danbiyada isagoo lagu eedeynayo danbiyo la xiriira dagaalkii ka dhashay doorashadii hore ee 2007dii.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.