Weerar is qarxin oo ka dhacay magaalada Kapul, xilli uu booqanayay Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka

31

Qof is qarxiyay ayaa weeraray meel ku dhow Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Afganistan ee magaalada Kapul, xilli uu halkaas booqanayay Xoghayaha cusub ee Gaashaandhiga Mareykanka Chuck Hagel

Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku dhimatay weerarka is qarxinta ka dhacay Kapul, iyadoo Ururka Taliban uu sheegay in weerarkaas uu ahaa fariin ay u dirayeen Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka oo booqashadiisa u horeysay ku tagay Afganistan.

NATO ayaa sheegtay in aanu ka dhoweyn Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka.

Warar kale ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah uu ka dhacay meel ku dhow magaalada Khost, halkaasoo ay ku dhinteen sideed caruur ah iyo hal askari ah.

Xilligan Xoghayaha gaashaandhiga Mareykanka Chuck Hagel ayaa ka hadlaya howl galka Mareykanka uu hogaaminayo.

Taliyaha Booliska Kapul Mohammad Zahir ayaa sheegay in gawaarida gurmadka deg dega lagu qaaday dhaawacyo fara badan, isla markaana xaalada ay hada tahay mid degan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.