Askar ka tirsan Nabadsugida oo lagu kharijiyay Magaaladda Muqdisho

47

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Suuq Bacaad ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay Kooxo bastoolado ku hubeysan ay gudaha Xaafadaasi ku dileen labo nin oo la sheegay inay ka tirsanayeen ciidamada Nabadsugidda Qaranka Somalia.

Goobjoogayaal ayaa inoo xaqiijiyay in Dableyda hubeysan oo tiradooda Saddax qof ahayd ay tacshiirada ku fureen Gaari ay la socdeen Marxuumiintaasi oo isla goobtaasi ku geeriyooday.

Maleeshiyada Dilka geysatay ayaa lagu soo waramay inay goobtaasi ka baxsadeen, ka hor inta aysan imaanin Ciidamo gurmad ah, kuwaasi oo qaaday Meydadka Marxuumiinta.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.