Markab Booyadle Kiimiko waday oo la sii daayey

41

Burcad-badeeda Soomaaliya ayaa waxa ay Maalintii Khamiista la soo dhaafay sii daayeen Markab Booyadle Shidaal oo lagu magacaabo MV Royal Grace.

Markabkaasi ayaa waxay burcad-badeeda ay horay u qabsadeen Bishi March 2-dii ee sanadkii 2012, xilli uu Markabka waday 135,000 oo tonnes oo Shidaal ah, wuxuuna ku sii jeeday Dekada Magaaladda Salalah ee Dalka Cuman.

Markabkaasi oo watay Calanka dalka Panama waxaa lahaa Shirkada Smyrni ee Dalka Greek.

Markabka la sii daayay waxaa la socday Labaatameeyo badmaaxiin oo u kala dhalatay Dalalka India, Pakistan, Nigeria, Bangaldhesh, Filipinos iyo Romania.

Markabka ay Burcad-badeeda Somalia sii daayen ayaa lagu wadaa inuu maanta Baroosinka ku xirto Dekade Salalah ee Dalka Cuman.

Majiraan warar muujinaya in Burcad-badeeda la siiyay lacag madax-furasho sida caadada u ahayd, laakiin Warbaahinta Dalaka India ayaa sheegtay in Dhaqdhaqaaqyahan fadhigiisu yahay Pakistaan oo lagu magacaabo Ansar Burney uu gacan ka geystay wada xaajoodka lala galay Burcada haysatay Markabka.

Dhaqdhaqaaqyahankaas waxa uu horay ugu guuleystay sidii ay Burcad-badeeda Soomaalida ay u sii deyn lahaayeen Markab lagu magacaabo MV Suez oo la afduubtay Bishii June ee sanadkii 2011-ka.

 

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.