Dowladaha Britain iyo Turkiga oo ka wada hadlay Shirweynaha Soomaalida ee London

32

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Brritain William Hague iyo Dhigiisa Dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda London ee Dalkaasi Britain.

Labada wasiir waxa ay Kulankooda kaga wada hadleen Xiriirka labadooda dal, Ajandayaasha looga hadlayo Shirweynaha loo qabanaayo Soomaalida ee lagu wado inuu Bisha May 7-da ka furmo Magaaladda London.

Ilo Diolomaasiyadeed (Diplomatic  Sources) ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Warbaahinta ee TurkishPress.com inuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Brritain William Hague ku casuumay Dhigiisa Turkiga, Ahmet Davutoglu inuu ka soo qeybgalo Shirweynaha looga hadlayo Arrimaha Somalia ee Bisha May 7-da lagu qabanayo London.

Dowladaha Britain iyo Turkiga, waxay safka hore kaga jiraan Dalalka daneeya Arrimaha Somalia, iyadoo Dowladda Turkiga tahay Dowladdii ugu horeysay ee xilli abaareedkii sanadkii hore u soo gurmatay Somalia

Si kasataba ha ahaatee, waa markii labaad oo ay Dowladda Britain qaban-qaabiso Shirweyne caalami ah oo looga hadlayo Arrimaha Somalia, iyadoo ay Britain ku nool yihiin ku dhawaad 30,000 oo Muhaajiriin Soomaali ah.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.