Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka 8-da Maarso oo ka dhacday degmada Marko (Sawirro)

44

Dabaaldegaan ayaa waxuu ka dhacay xarunta gobalka Shabeelada hoose ee magaalada Marko. Waxaa soo qabanqaabiyay ururka SYL-II, maamulka degmada Marko iyo ururada bulshada ee gobalka. Dabaaldegaan oo ah kii u horeyay noociisa kadib mudo dhowrsano ah ee ka dhaca magaalada Marko.

Dabaaldegaan ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u farabadan oo ay haweenku udubdhexaad u ahaayeen maadaama ay ahayd maalintii haweenka, iyadoo haweenkuna ay si aad u qurux badan ugu damaashaadeen.

Sidoo kale ayaa dabaaldegaan waxaa lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida Awr  raran oo ay haweeney hogaanka u siday iyo ciyaaro badan sida Shirta oo gobalka uu caan ku yahay.

Waxaa ka hadlay munaasabadaan kusimaha gudoomiyaha degmada Marko ahna gudoomiyaha dhaqaalaha Maxamed Cusmaan Cali(Yariisow) oo sheegay in haweenku ay ay yihiin aasaaska bulshada wuxuuna ka codsaday in ay qeyb weyn ka qaataan la talinta dhalinyarada la maranhabaabiyay.

Sidoo kale ayaa waxaa hadalo guubaabo ah ka jeediayay goobta taliyaha Saldhiga booliska Marko G/Sare Xasan Cusmaan Maxamed iyo Colonel Manuel oo ah hogaanka ciidamada Amisom ee Km50 ilaa iyo Marko. Taliyaha booliska ayaa hamblyo u jeediayay haweenka si guud haaneedna dadweynaha ugu bishaareeyay in uu amniga wanaagsanyahay, qof walibana uu xiliguu rabo socan karo.

Ugu dambeyn ayaa Haweenka ka qeyb galay munaasabadan ee 8-da Maarso ku soo bandhigay Buraanbur iyo qaar kamid ah ciyaaraha dumarka aya ciyaaraan.

 

IMG_9504

IMG_9500

IMG_9447

 

IMG_9512

IMG_9469

IMG_9439

IMG_9399

IMG_9389

IMG_9328

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.