Taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka oo walaac ka muujinaya waxyeelada ka dhalada gaadiidka duugga ah ee la saaro rarka xad dhaafka ah

37

Taliska ciidamada ilaalada waddooyinka ayaa walaac ka muujiyay gaadiidka duugga ah ee xamuulka ka qaada magaalada oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah ugu rogmanayay gudaha magaalada Muqdisho. General Cali Barre ‘’Cali-Gaab’’ oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dhibaatooyin farabadan ay ka geystaan wadooyinka Muqdisho gaadiidka duugga ah oo sida xad dhaafka ah loo raro kuwaas oo ku rogmada wadooyinka. wey adagtahay sida aan wax uga qabankarno waayo waxa ay gaadiidkaasi ka soo baxayaan Dekeda weyn ee Muqdisho waana gaadiid duug ah oo aan u qalmin in lagu qaado xamuul, anaguna ma heysano wiish aan ku toosino marka ay ku rogmadaan wadooyinka, sidoo kale ma heysano gaadiid Ambalaas ah iyo qalabkii lagama maarmaanka u ahaa shaqada ciidamada nabadgelyada wadooyinka’’ ayuu yiri General Cali-Gaab. Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xilli uu sii kordhayo dhibaatada ay wadooyinka Muqdisho ka geeystaan gaadiidka loo yaqaano Qataarka ee sida xad dhaafka ah looga soo raro Dekeda weyn ee Muqdisho.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.