Ganacsiga suuqa Islii oo maalintii Shanaad xiran

30

Maalintii Shanaad ayaa waxaa si xiriir ah u xiran suuqa ganacsiga Soomaalida ee ku yaalla xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, taas oo sabab u ah doorashada guud ee wadankaasi ka dhacday maalinti isniinta. Suuqyada xaafada Islii ayaa xirnaa tan iyo Isniintii la soo dhaafay xiligaas oo ay dhacday doorashada madaxtinimada dalka Kenya, iyadoo ilaa hadda laga warsugayo natiijada doorashada. Waxaa la arkayay goobihii ganacsiga ee suuqa Islii oo aad u ciriiriga badnaa oo aysan wax dad ah mareynin oo cidlo ah, iyadoo dadku ay ku nagaadeen guryahooda waxeyna ka cabsi qabaan in rabshado dhacaan marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimada dalka Kenya. Dadka Soomaalida ah ayaa si weyn uga qeybgalay doorashada ka dhacday dalkaasi, waxeyna dadku ka welwelsanyihiin ay dhacdo rabshadihii dalkaasi ka dhacay oo kale 2011-kii marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.