Marwo Fowsiya Yuusuf Aadan oo Facebook Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain ku soo bandhigtay Maqaal ku saabsan Shirweynaha London

39

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia, Fowsiya Yuusuf Aadan ayaa Facebook Dhigeeda Dalka Britain, William Hague ku soo qortay Maqaal dheer oo ku saabsan Arrimaha Shirka Bisha May 7-da ee Soomaalida uga furmi doona  Caasimada Dalka Britain ee London.

Qoraalka Fowsiya Yuusuf Aadan waxa ay ku sheegtay in Shirkaasi uu calaamad u yahay Wada shaqeynta cusub ee Somalia iyo Beesha Caalamka.

Waxa ay kaloo qortay: ”Bishii hore, Madaxweynaha Somalia waxa uu booqashadiisa ugu horeysay oo miisaan leh ku yimid UK, waxayna taasi Muujineysaa talaaba kale oo horumar leh oo Dalkeena ku noqonayo mid nabad iyo mustaqbal amaan badan leh siinaya umada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan”.

Qoraalka ay ku soo bandhigtay Facebook (William Hague’s Facebook) waxa ay kaloo ku faahfaahisay Arrimaha looga hadlayo Shirweynaha Soomaalida waxayna Shaqsi ahaan ugu boorisay Soomaalida iyo Saaxiibadooda ku nool caalamka inay ku soo biiraan wada xaajoodka haatan.

”Ogolow in aragtidaada Mustaqbalka in la maqlo” ayaa ka mid ahaa hal-ku-dhigyada ay ku soo daabacday Bogga William Hague’s facebook.

Qoraalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Fowsiya Yuusuf Aadan, waxay kaloo ay ku soo bandhigtay horumarka la gaaray muddada ay Dowladda majaraha u hayso hoggaanka Somalia, waxayna xustay in qorshaha Dowladu ku jiro in la dhiso Hay’addo Dowladdeed oo xoog leh, Ciidamo amaan iyo Garsoor taya leh, iyo xisaabtan Nidaamka dhaqaale.

Waa markii ugu horeysay Taariikh ahaan in Wasiir Soomaaliyeed uu qoraal kaga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ku soo bandhigo Bogga facebook ee Wasiir ka tirsan Dalka Britain.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha iyo Britain ayaa wada Shir-gudoomin doona Shirweynaha Caalamiga ee looga hadlayo Arrimaha Somalia, kaasi oo lagu wado inuu Bisha May 7-da ka furmo Magaaladda London.

Ujeedada Shirkaasi ayaa ah sidii loo kordhin lahaa Taageerada Caalamiga ah ee la siinayo Dowladda Somalia si dib loogu dhiso Somalai oo ay Colaado ka socdeen muddo 21-sanno.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.