Maamulka G/Baay oo ka warbixiyay amaanka gobolkaasi

44

Maamulka cusub ee gobolka Baay ayaa ka warbxiyay xaalada nabadgalayada,  isagoo oo dhinaca kalana sheegay in hey’adaha samafalka ay kala hadleen sidii wax loogu qaban lahaa dadka barakacayaasha ah ee ku xoolo beelay abaartii ba’neyd ee dalka soo martay.

Gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka gobolkaasi Baay uu soo hagaagayay wixii ka dambeeyay markii maleeshiyaadka argagixisada Shabaab laga saaray gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka Shabaab laga saaray gobolkaasi marka laga reebo deegaano kooban oo Miyi ah oo ay ku dhumaaleeysanayaan wuxuuna xusay in degmada Buurhakaba ay ugu dameeysay meelihii ugu dambeeyay ee laga saaro Shabaab amaankeeduna uu yahay mid la isku haleeynkaro.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in maamulku uu dadaal ugu jiro sidii dib loogu soo celin lahaa dadkii ka barakacay abaartii ku dhufatay gobolka, isagoo intaa ku daray in arintaasi uu maamulku kala kaashandoono hey’adaha samafalka iyo dowlada federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyahaa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qoysaskii ka barakacay dib loogu soo celindoono gobolka iyadoo maamilka gobolku uu k taageerayo sidii ay u horumarin lahaayeen noloshooda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.