Turkiga oo mashaariic dhismo ka wado wadooyinka Muqdisho

32

Dowlada aan Walaalaha nahay ee Turkiga ayaa dalka Soomaaliya ka wado mashaariic badan oo lagu hormarinayo dalka taas oo ay ka mid tahay dhismaha wadooyinka, isbitaalada, goobaha waxbarashada iyo goobo kale oo muhiim ah. Magaalada Muqdisho qeybo kamid waxaa  kasoconaya qorsho lagu dhisaayo laamiyadii ku bur buray Dagaaladii Dalka kasocday mudo ka badan 20 sano, waxaana haatan ay dowladda turkiga ay bilaawday dhisida marsha biyeediyada laamiyada. dowladda turkiga ayaa haatan dhistay Marsho biyoodyo badan gaar ahaan laamiyada aadka muhiimka u ah sida laamiga isku xira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo isgooska KM-4 oo hada gabi ahaan la dhisay Marsho biyoodyada kuyaala. sidoo kale waxa ay wadaa dowladda Turkiga dhismaha Marsha biyeediyada xarunta inta u dhaxeysa Tiyaarka Qaranka iyo Baarlamanka, waxeyna dhismayaashan ay yihiin kuwa caasri ah. goobaha ay dhismooyinka kasocdaan waxaa lagu arkaa oo yimaada Injineero Turki ah iyo shaqaalo kale oo Turkiga ah oo kormeera sida hoosha usocoto gacan weyna ka geesta habsami usocodka hoolaha ee wadaan. Kaliya maahan laamiyada ee waxaa jira Mashaariic kale ee Turkiga ka fuliyeen Muqdisho iyo qaar wali socda sida dhisida Isbitaalada waa weyn ,Iskuulo waxbarasho iyo goobo kale oo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba muhiim u ah iyadooan Turkigu balan qaadeen in la maateeneyo Ankara iyo Muqdisho dib u dhis weyna magaalada lagu sameeyo.

Idale News Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.