Xukuumadda Somalia oo Heshiis la saxiixatay Maamulka Ahlusunna Wal-jameeca

40

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia ay kala saxiixdeen Hishiis ku aadan Horumarinta iyo sugida Ammaanka Gobolka Galgaduud.

Heshiiska ayaa dhanka dowlada Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arimha Gudaha iyo Ammniga Qaranka Somalia oo ka mid ahaa Wafdigii uu Hogaaminaayay Raisul wasaaraha Halka dhanka Maamulka Ahlusunna uu shishiiskaas u saxiixay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Fulinta Ahlusunna ee dhawaan loo caleemasaaray.

Kala saxiixashada Qodobada muhiimka u ahaa labada garab ayaa waxaa Goobta siyaabo kala duwan Khudbado uga soo jeediyay Masuuliyiinta ka socday Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Ahlusunna, waxaana goobta laga aqriyay Qodobada ay kala saxiixdeen oo ka mid ahaa, Dardargalinta Horumarka Gobolka Galgaduud, Sugida amaanka, Kala wareegida Ciidamadad, iyo in Galgaduud ay si rasmi ah uga amar-qaadato Xukuumadda Somalia.

Sidoo kale Shishiiska dhex maray Xukuumadda Somalia iyo Ahlusunna ayaa waxaa ka mid ahaa in Ciidamadda Ahlusunna lagu wareejiyo Wasaaradda Gaashaandhiga Somalia, sidoo kale Heshiiska ayaa waxaa ka mid ahaa in Ciidamadda Ahlusunna ay Xukuumadda Somalia maalgaliso isla markaana ay meel u saarto Mushaar bil waliba ah Hayeeshe waxaa arintaasi si diiran u soo dhaweeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia, Wasiirka arrimaha Gudaha, Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo xilligaasi ku sugnaa Goobta ay Munaasabada ka dhaceysay.

Si kastaba ha ahaatee Heshiiska Dhex maray Xukuumadda Somalia iyo Maamulka Galgaduud ee Ahlusunna ayaa laga yaaba in uu waxbadan ka badalo hanaanka Somalia maadaama labada garab dheshiiska galay ay yihiin kuwa ka siman la dagaalanka Kooxda Meylka adag ee Alshabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.