Daawo Sawirada Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhex galay shacabka Buurhakaba

43

Wararka ka imaanaya Buurhakaba ayaa shalaya xaalada ay saakay tahay mid degan, iyadoo ciidamadana ay difaacyo ka sameysteen daafaha magaalada iyo buurta ay caanka ku tahay Buurhakaba.

Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa gacan qaadayay dadweynaha , iyagoo ka dalbaday inay ammaanka kala shaqeeyaan, waxaana dadweynuhu ay isugu soo baxeen banaanka si ay u daawadaan ciidamada.

Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhegabadan ayaa sheegay in qorshahooda yahay in inta ka hartay Baydhabo iyo Buurhakaba ay isku xiraan, isla markaana wax ka yar 30-KM ay u hartay.

Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ah wado muhiim ah, waxaana ay halbowle u tahay ganacsiga gobolada koofur galbeed oo badeecadaha iyo shixnadaha ganacsi looga qaado Dekeda Muqdisho.

vbuurhakaba (8)buurhakaba (9)buurhakaba (10)buurhakaba (16)buurhakaba (15)buurhakaba (17)buurhakaba (14)buurhakaba (13)buurhakaba (5)buurhakaba (6)

You might also like More from author

Comments are closed.