Dhageyso: Maamulka Degmada Marko Oo Weerarey Wasiirka Dib U Heshiisinta Koonfur Galbeed

64

Marko(INO)- Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa eedeyn u jeediyay Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xasan Cumar Macalin Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Wasiirkaasi ku eedeeyay in Magaalada Muqdisho uu ka wado shir dib u heshiisiin ah, kaas oo lagu heshiisiinayo Beelaha Walaalaha ah ee ku dagaalamaya Magaalada Marko.

Wuxuu eedeyntaasi u jeediyay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed, kaas oo uu ku eedeeyay in uu Odayaal macmal ah uu shir dib u heshiisiin ah ugu qabtay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed uu Mas’uuliyadeeda qaadanayo colaada ku soo laa laabata Magaalada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author

Comments are closed.