DEG DEG: Guddiga Doorashada Oo Dib U Dhigay Ka Hadalka Dib U Dhaca Doorashada

35

Muqdisho(INO)- Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa maanta dib u dhigay ka hadalka dib u dhaca doorashada, arrintan ayaa timid kadib markii ay baajiyeen shir jaraa’id oo Saxaafadda ay isu waceen si ay arrinkaas uga hadlaan.

Sida uu ku warramayo weriyaha IdaleNews ee xarunta guddiga tagay, guddiga doorashada waxaa ay saaxafadda u sheegeen in uu jiro caqabado badan oo dhan walbo ah, sidaa darteena ay shirka jaraa’id u dib dhigeen maanta berri ah.

Doorashada ayaa dib u dhacday markii 2aad, iyadoo sida jawdalka ku qoran ay aheyd in doorashada aqalka hoose uu bilowdo shalay halka aqalka sare ay aheyd in la dhameystiro maanta oo September 25 ah.

You might also like More from author

Comments are closed.