Taliska ciidamada XDS oo ka codsaday shacabka degan xarumihii ciidamada in ay banneeyaan

24

Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa ka codsaday shacabka soomaaliyeed in ay gacan ka geeystaan sidii looga lahaa dadka degan xereyaha ciimada xooga si dib loogu dhiso

Sareeye gaas C/qaadir sheekh Cali Diini  taliyaha ciidamada XDS oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay baneeyaan xarumaha ciidamada XDS  si ay u dagaan ciidamada xarumahoodii  loogu tala galay .

Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay wadaan qorshe ku aaadan in gabi ahaamaba la dayactiro xarumihii ay lahaayeen ciidamada XDS isla markaana la kala saaro ciidanka iyo shacabka si taa loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in si shuruud la’aan ah ay baneeyaan dadka degan xarumaha ciidamada.,

Dhinaca kale taliyaha ayaa ka hadlay rag ku labisan daraeyska ciidamada XDS oo dhac iyo boob u gaysata bulshada ku dhaqan deegano  ay ciidamadu gacanta ku hayaan,  waxaa uuna cidamada ku booriyay inay ka hortagaan wax waliba oo hoos u dhigaya sharafta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed maadama shcabku uu yahay dad ku hoos jiraa ilaalinta iyo dhawrista ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.