Gudiga Doorashooyinka KGS Oo Ka Hadlay Xilliga Ay Bilaabaneyso Qabashada Codsiyada Musharixiinta Xildhibaanimo

61

Baydhabo(INO)- Gudiga doorashooyinka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay u marayaan howlahooda ku saabsan doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo bisha soo socota.

Sayid Cali Baafo oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan ay ku jiraan diiwaan gelinta Liiska Odayaasha soo xulaya xildhidhaabada Baarlamaanka, howshoodana ay dardar xoog leh ku socoto.

Baafo ayaa intaa ku daray in Odayaasha ay ku dabagelayaan arintaas, si ay u hubiyaan in howlaha loo baahan yahay ay waqtigooda ku soo dhamaadan.

Baafo ayaa hoosta ka xariiqay in qabashada araajida musharixiinta xildhibaanimo ay bilaaban doonto xilli dhow marka ay soo dhamaato howsha diiwaan gelinta odayaasha soo xulaya xildhibaanada.

Waxaa lagu wadaa in doorashada dadban ee xildhibaanada ay bilaabato bisha soo socota 30-keeda walow ay suura gal tahay in ay dib uga dhacdo.

You might also like More from author

Comments are closed.