Daawo: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka baarlamaanada IGAD

80

Kampala(INO)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka Uganda uga qeybgalay shirka 8aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo furmar 18kii bishan ayaa soo gebageboobay gelinkii dambe ee maanta oo Isniin ah 19ka bisha September waxaana mudada labada cisho ee uu socday looga hadlay ansixinta go’aannadii kasoo baxay shirkii 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada IGAD oo bishii June lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ,dejinta miisaaniyadda Ururka,arrimaha koonfurta Sudan iyo qodobbo kale.jawaari-ugandha-3

Shirka 8aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka urur goboleedka IGAD ayaa gunaanudkiisa waxa laga soo saaray laba qaraar oo mid uu ku saabsan yahay Women Caucus oo IGAD oo lagu doortay guddiga fulinta oo Soomaaliya ay ka heshay xubin muhiim ah iyo qaraar ku saabsan dhammaan howlaha IGAD oo si gaar ah loo dul istaagay xal u helidda dhibaatada ka taagan Koonfurta Sudan.jawaari-ugandha-2

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka ambabaxay dalka 17kii bishan kolkaas oo uu gaaray dalka Uganda si uu uga qeybgalo shirka 8aad ee Baarlamaannada IGAD oo halkaas ka socday inta u dhaxeysay 18-19ka September, maalinnimada berri ah ayaana wafdiga Guddoomiyaha ay dalka dib ugu soo laaban doonaan.
jawaari-ugandha-4jawaari-ugandha-1jawaari-ugandha-5

You might also like More from author

Comments are closed.