Midowga Yurub: Shan Safiir oo waraaqahooda Aqoonsi si wadajir ah ugu soo gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya

40

Maanta, Safiiraka Jarmalka, Margit Hellwig-Botte, Safiirka Faransiiska Etienne De Poncins, Safiirka Isbaanishka Javier Herrera Garcia Canturi, Safiirka Biljanka Bart Ouvry iyo Safiirka Fiinlaand Sofie From Emmesberger ayaa si wadajir ah ugu soo gudbiyey warqadahoodii aqoonsiga safiirnimo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya si ay u noqdaan Safiiradii ugu horeeyey ee dalalkooda in ka badan 21 sano.

Soo magacaabista safiiradan, Midowga Yurub waxay qirayaan ballantooda ku aadan umadda Soomaaliyeed waxayna hoosta ka xariiqeen kalsoonida ay ku qabaan geeddi socodka siyasadeed ee Soomaaliya. Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya wuxuu ku salaysan yahay Xushmadda Midowga Yurub uu u hayo Lahaanshaha Maamul ee Dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa aaminsan iskaashigan inuu horseedi doono sal u dhigga tiirarka mustaqbalka Soomaaliyeed. Midowga Yurub wuxuu tixgelinayaa waxqabadka dowladda Soomaaliyeed ee ku aadan Dib u heshiisiinta, Dhisidda Maamulada Federaalka, Amniga, In la dhowro Maamul dhaqaale oo hufan iyo Kula noolaanshaha nabad waarta wadamada deriska ah. Dhamaad.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.