Ciidamada XDS oo kusii wajahan degmada Buurhakaba iyo maleeshiyaadkii Shabaab oo isaga baxay

31

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Buurhakabo,  iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay si buuxda ula wareegaan degmadaasi.

Dadka ku nool degmada Buurhakaba ee  gobolka Baay iyo nawaaxigeeda  ayaa waxaa maanta usoo carfaya neecowda xoriyada,   iyadoo dadka ay ka  muuqato dareen farxad leh,  kadib markii ay xogooda usoo ruuqaansadeen ciidamada XDS oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka islamarkaana ay halkaasi isaga baxeen maleeshiyaadkii dhibka iyo kadeedka ku hayay dadka reer Buurhakaba.

Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii kooxda Shabaab oo  muddo ka badan Sedex sano ka ariminayey Buurhakaba ay isaga huleeleen degmadaasi,  kadib markii ay dareemeen culeysyo military oo  kaga yimid dhinaca ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed  oo taageero ka helaya Midowga Africa.

Gudoomiyaha maamulka degmada Buurhakaba Cabdi  Cali Garuun ayaa Radio Muqdisho  u sheegay in maleeshiyaadkii shabaab ee dhibaatada ba’an ku hayay shacabka ku nool deegaankaasi ay isaga baxeen magaalada Buurkaba kadib markii  ay tabar iyo itaal ay isaga caabiyaan u waayeen howlgalada ciidamada XDS oo kusoo wajahan degmadaasi.

Degmada Buurhakaba oo qayaastii 60 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay ayaa ah goob istratiji ah marka loo eego dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka gobolada Baay , shabeelaha hoose iyo Banaadir.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.