Daawo Sawiro: Yusuf Xasan Mursal Oo Shaaciyay Inuu yahay Musharax u Taagan Xildhibaanimada BFS Ee 2016

96

Baydhabo(INO)- Yuusuf Xasan Mursal oo ka mid ah Aqoonyahanada Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ololihiisa musharaxnimo ku soo bandhigay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Ka dib markii maanta Mushax Yuusuf Xasan Mursal oo u taaagan in loo doorto mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Ee 2016 ayaa munaasabad lagu shaacinaayey laguna wargelinaayey dadweynaha ku nool deegaanka musharaxa uu ka soojeedo lagu qabtay Hoteelka Wegera Magaalada Baydhabo.

Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay odoyaaldhaqameedyo,Xildhibaaano,Aqoonyahano,siyaasiyiin,culmaa’udiin,waxgarad,Haweeen, iyo dhalinyaro .

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Mushax Yuusuf Xasan Mursal oo qudbad dheer oo uga hadlaayey taariikh nolooleedkiisa iyo waxa uu qabandoono marka loo doorto Xubin Ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Ee Soomaaliya oo sheeegay baahiyo badan oo xiligan bulshadu u baahan yihiin.

Intaa ka dib mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii ka soo qaybgalay munaasabada ayaa soo dhaweeyey qodobadii musharaxa kahadlay iyo codsigiisa oo ah in loo doorto Baarlamaanka federalka 2016-2020 iyagoona ka dhawaajiyey in dalku uu u baahan yahay isbedel siyaasadeed oo aqoon ku dhisan tahay.

Ugu Dambeyntii, Mushax Yuusuf Xasan Mursal ayaa waxaa uu mudo ka soo shaqeeyey saxaafada Gaar ahaan cidaacada BBC-da hada oo uu ka shaqeynaayey Ha’adda ICRC wuxuu haatan noqday qof u ruqaansaday dhan siyaasada Dalka.

Halkan Ka Daawo Sawiro

yusuf-xasan

12

0102030405060708091011

 

Wariye Abshir Maxamed Nuur (Mandella), Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.