Daawo: Shirka Madasha oo la soo gaba gabeeyay iyo War Murtiyeed ka soo baxay

39

Muqdisho(INO)— Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Mudadii shirka uu socday ayaa Madaxda Madasha waxay ku kala aragti duwanaayeen qodobo dhowr ah oo ay ugu weyneyd arrinta Aqalka sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka soo xiray, isagoo ka warbixiyay mudadii uu socday shirka iyo go’aanada la gaaray.

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ayaa lagu magacaabay Guddi Amni oo uu Madaxweynaha Guddoomiye u yahay.

Waxaa shirka goob joog ka ahaa Madaxda Maamulada Puntland, Koofur Galbeed, Jubbaland oo saaka dib ugu soo laabtay labadaba, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari.

Munaasabada lagu soo bandhigayay war murtiyeedka ayaa waxaa ka maqnaa Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, inkastoo uu horay goob joog uga ahaa shirarkii Madasha ay ku yeelatay Muqdisho intii u dhaxeysay 6-12 bishan.

War murtiyeedka oo dhowr qodob ka koobnaa ayaa waxaa saxaafada u akhriyay Afhayeenka Madaxweynaha Daa’uud Aweys.

Goor dhow filo War murtiyeedka ka soo baxay Madasha Madasha Wada-tashiga Qaran.

shirkii-madasha1shirki-madashashirkii-madasha4shirkii-madasha3shirkii-madasha2

0102

You might also like More from author

Comments are closed.