DEG DEG: Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti oo cilad soo wajahday darteed u soo degi weysay

50

Muqdisho(INO)— Diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay in cilad soo wajahday darteed ay dib u laabatay.

Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee SONNA in diyaarada siday Madaxweyne Geelle ay dib u laabatay, kadib markii ay ka soo degi weyday Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Safiirka ayaa sheegay in diyaarada ay soo gashay Hawada Soomaaliya, isla markaana markii cilad ku timid, si nabadgelyana u degtay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradaha Madaxweynaha Jabuuti intii ay hawada ku jirtay ay cilad soo wajahday, taasna ay keentay inay dib u laabato.

Goor sii horeysay ayaa warar soo baxayay sheegayeen in Madaxweynaha Jabuuti uu soo gaaray Muqdisho, sida ay baahisay Wakaalada wararka ee SONNA.

Qorshaha ayaa ahaa in Madaxweynaha Jabuuti uu ka soo hormaro dhamaan Madaxda IGAD, balse ma aanay dhicin.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa matali doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo goor sii horeysay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hada waxaa soo gaaray Muqdisho Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobia Hailemariam.

Shir madaxeedka IGAD ayaa goor dhow la filayaa inuu ka furmo Hotelka Peace oo ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay.

You might also like More from author

Comments are closed.