Ciidamo ka tirsanaa DFS oo lagu dilay Duleedka Degmada Afgooye

39

Afgooye ( INO)-Inta la ogyahay 4 Askari ayaa ku geeriyootay kadib weerar ay ku qaadeen Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa duleedka Degmada Afgooye gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Cadow Dibille.

Sida  ilo deegaanka ah ay Warbaahinta u xaqiijiyeen Weerarka Askarta lagu dilay ayaa yimid kadib markii muran dhexmaray Ciidamada la soo  weeraray iyo 2 qof shacab ahaa oo ay  halkaas ku toogteen.

Taasi ayaana la sheegay in ay keentay in Al Shabaab weerar la soo kowsadaan Ciidamada dowladda ee 2-da qof rayidka ahaa dilay.

2 –da qof rayidka ahaa ee Ciidamadu dileen ayaa lagu  kala sheegay Malkiile Garai iska roge ah iyo Darawalkii gaarigaas kaxeynayay sida mid ka  mid ah dadka deegaanka uu Shabelle u xaqiijiyay.

Ugu dambeyntii, Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xiisadahooda ku sii xoogeysanayay Gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author

Comments are closed.