Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho “SAWIRRO”

28

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay ayadoo Gudoomiyaha iyo Wafdigiisana si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo uu ka midyahay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Mudane Ibraahim Isxaaq Yaroow,Xildhibaannada Baarlamaanka intooda badan,waxgarad,siyaasiyiin, haween iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayadoo Gudoomiyaha iyo Wafdigiisana ay dhammaan xubnihii soo dhaweeyey ay mid mid u gacan qaadeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo markii lagusoo dhaweeyey kadib garoonka diyaaradaha Aadan Cade shirjaraa’id ku qabtay gudaha garoonka ayaa faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee uu dalka dibaddiisa uga maqnaa waxaana uu Gudoomiyuhu tilmaamay in safarkaasi isaga iyo wafdigiisa ay ugu ambabaxeen dalka Ethiopia kadib markii ay casuumaad ka heleen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxda dalka Ethiopia islamarkaasina ay halkaasi kulammo kusoo qaateen kulamadaasina ay guullo kusoo dhamaadeen.

Mudane Maxamed Cismaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin waxa uu geesta kale ka bixiyey socdaal ay isaga iyo wafdigiisa ku tageen magaalada Jigjiga caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waxaana uu xusay in halkaasi ay maamul iyo shacabka si diiran ugusoo dhaweeyeen islamarkaana mudadii ay joogeen ay booqdeen meello muhiim ah oo ay ka mid tahay Jaamacadda Jigjiga oo ah Jaamacadda kaliya ee Afka Soomaaliga wax lagu barto isalmarkaana ay dhigtaan Arday tiradoodu ay gaareyso 15,000 kuwaasi oo ay ku jiraan Arday Soomaaliyeed si gaar ahna ay Ardaydaasi kulammo ulasoo qaateen.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari in intii ay ku sugnaayeen magaalada Jigjiga ka sokoow la kulanka Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka baraneysa ay kulammo qibrad isdhaafsi la xiriiri sida ay Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia u hirgeliyeen nidaamka Federaalka iyo hormarrada ka jira ay la yeesheen mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa socdaalkiisa ku wehliyey Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayadoo safarkanna uu ahaa safarkii ugu horeeyey ee uu Gudoomiyuhu dalka uga ambabaxay tan iyo intii xilkan loo doortay 28kii August sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2012ka.