Dhageyso: Somaliland Oo Fariin U Soo Dirtay Madaxda Urur Goboleedka IGAD

39

Hargeysa(INO)- Maamulka Somaliland ayaa fariin codsi ah u diray madaxda urur goboleedka IGAD ee maalinta beri ah la filayo iney shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale ayna doonayaan xaqa ay helaan wadamada IGAD ka tirsan.

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in Somaliland ay kamid tahay dalalka ku yaala bariga qaarada Africa, ayna doonayaan iney helaan xuquuqda ay leeyihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan halkan jecelahay in aan fariin uga diro urur gobaleedka IGAD waxaanan halkan ka cadeynayaaa in Somaliland tahay waddan ka mid ah wadamada Geeska Africa dadkiisa iyo dalkiisuna xaquuq ku leeyahay Ururka IGAD loona baahan yahay in xaqiisa la siiyo wax kasta oo waddan xaq u leeyahay na la siiyo isla markaana qadiyada Somaliland ay ka mid noqoto qadiyadaha ajandaha ugu jira isla markaana hor yaala Waddamada IGAD markaas waxaa mihiim ah in urur gobaleedku xaqeeda siiyo Somaliland ” ayuu yiri wasiir sacad Cali Shire .

Ugu dambeyntii, Somaliland oo markii micno ahaan magacooda uu noqonayo dhulkii Soomaaliyeed ayaa sheegata iney ka go’day Somaliya inteeda kale tan iyo sanadkii 1991 balse dowlada Soomaaliya ayaa aqoonsan, waxaana socda wadahadalo lagu mideynayo Soomaalida.

Halkan Ka Dhageyso

You might also like More from author

Comments are closed.