DEG DEG: Qarax gaari oo goor dhaw ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama

71
Muqdisho(INO)- Qarax gaari ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana gaarigaan uu ahaa mid yaalay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Wardheere oo aanan sidaasi kaga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi.

Gaariga halkaasi ku qarxay ayaa la sheegay noociisa inuu yahay gaari SURF ah oo aanan la garaneyn cida iska leh iyo bartilmaameedka laga lahaa.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Gaariga qarxay oo aad u holcaya ayaa goor dhaw waxaa halkaasi tagay gaadiidka Dab-damiska Maamulka Gobolka Banaadir oo ku howlan daminta Dabka ka dhashay qaraxa gaariga.

Ugu dambeyntii, Laamaha ammaanka Dowladda weli kama aysan qaraxaan ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.